RW Khayre “Waxan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee kadhalan kara daandaansiga & dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska MD muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho kadeggan yihiin madaxdii hore ee qaranka”

1a1a17

11 Okt 2026 (Puntland.com) Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal qoray ugu digay madaxweyne Xasan Sheekh abaabulka weerar uu ku qaado guryaha ay Muqdisho ka dfegen yihiin madaxdii hore ee dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka RW Kheyre:

Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka. Tallaabooyinkani waxay abuurayaan jawi colaadeed oo caasimadda dalka u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaaso amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu u oomman yahay dhiig hor leh, kuna hawllan yahay ficillo uu ku banneysanayo dhiigga madaxdii hore, waxaana ummadda Soomaaliyeed si cad u sheegaynaa in Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday uu qaadayo masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabooyinkan.

Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro. Dariiqa keliya ee Soomaaliya looga badbaadin karo hubanti la’aanta siyaasadeed waa in dib loogu laabto miiska wadahadalka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada, loona helo dowlad ku timaada hannaan heshiis lagu yahay oo leh sharciyad ay ku hoggaamiso Soomaaliya.

About The Author