Goormu Xornimo Caddaladeed Helaya Gobolka Mudug!

0

Musuqmaasuq caddaalad xumo laxisaabtan la,aan  xil lagu murmo iyo xil u xiran hal shaqsi  dhaqaalo xumo iyo horu socod la’aan bulsho ismaqal la’an iyo xilal Qabiil Ilaalsado  waxayasaageed ka reebtay Gobolkii  ugu Muhiimsanaa ee Dawladda Puntland waa Gobolka Mudug ee Magaallo madaxdixdiisuna   tahay Galkacaayo.

Dhammaan ummadda Soomaalidda  waxaa  ku dhacday Caddaalaad  daro ay gacmahooda isku Gaysten ka soo bilow  ilaa markii xornimadda la qaatay ilaa manta oo ah qarniga 21,naada  Dadka Soomaalidda waxaa  asaagood  ka reebay  caddaalad xumo iyo nin jaclaysi aan qiil loohayn oo ah qaran dumis iyo dib dhac bulsho Galakacaayo waxay ka hartay Gobolladda kale ee Puntland  waxaana ugu wacaan  caddaalad  xumo  baahsan oo aan qiil lahayn…

Istiraatijiyadda Gobolka Mudug uu Puntland u leyahay

Gobolka Mudug wuxuu  xuduud la leeyahay Gobolladda  dhexe ee Soomaaliya  dhanka Galbeedka wuxuu  xuduud la wadaagaa Kilirka shanaad  dhanka waqooyiga bari  waxaa ka xigta Casimadda Puntland ee  Garoowe..

Waxaan ula jeeda waa Gobolka kaliya ee Puntland  katirsan ee leh Istiraatijid caalamiya iyo fursado qaaliya oo dhan kastaba leh  hadii ay noqon lahayd dhanka Ganacsiga iyo xatarad bulshaba Hayeeshee  dadka dagaan  Gobolka  ayaa curyaamiyey xitaa dawladda dhexe ee  Puntland ayaa   iska ilowday G,Mudug mamulka Gobolka lama saxo mashaariic lama keeno  waa  maxay sababtu?..

         Fursado aan looga faa,iidayn Gobolka

Gobolka Mudug  waa  gobolka kaliya ee ah  midka  ugu dabeeya  Gobolladda Puntland hadii ay noqon lahayd  caddaaladda  dhaqaalaha iyo Mamul manaaga   kamana  jiraan  wax  mamul  wanaaga ama  isla xisaabtan ku dhisan hab Dawliya  waxaa kale oo dayacay tajiriintii ama Ganacsatatii oo intoota banadan iska guuray ma la is waydiiyey yaa hormarinaya Gobolka?.

16 Sano kadib maxaa laga sugayey Mudug 

Galkacaayo  inta ay kataliso Dawladda Puntland   waxaa  laga sugayey  inay ka dhigto Gobolka ugu khayraadka fiicaan uguna siyaasada  fiicaan   waayo  waa  Gobol muhiim u ah Dawladda Puntland  waana  Gobol  ah Istiraatiji marka loo eego fursadaha uu leeyahay laakiin waxaa  dayacay Dawladda Puntland  aqoonyahanka iyo wax garadka Gobolka oo iska fiirsanaaya  dib dhaca ku socoda Bulshadda  Gobolka Mudug qayntiisa  Puntland….

16,  Lix iyo tobankii Puntland jirtay Mudug  waxaa  guddoomiye  ka ah  hal beel oo ka mida beellaha Gobolka wada  daga    waxayna  taasi keentay  cadaalaad xumo  ku saabsan hab qaybsiga   siyaasigaa ee Gobolka.

                         Maaliyadda Gobolka

Dhanka  maaliyada Gobolka waxaa dhaxaal tooyo u haysta  hal shaqsi kaasoo ah  mid aan cidna la xisaabtamin Madaxwayne  kasta oo yimaada Puntlanda uusan taaban  soo  caddaalad xumo mahan  arintaas? Soo  kuma sifoobayso   baadi kuku  raagtay  waxaad  moodaa xoolahaaga  qaybta  maaliyadda  Gobolka Mudug  waxay noqotay  meel Nin iska leeyahay taas  oo ceeb iyo foolxumo ku ah Dawlada Puntland wana  tan keentay  inaan Gobolku ka hor marin dhanka mashaariicada dawligaa.

Garoonka  diyaaradahha

Dhanka Garoonka Diyaaradaha   wuxuu noqday mid aad  uga dabeeya  garoomadda  Puntland  wuxuuna  noqday midka  ugu dhaqaalaha yar ama ugu adeega yar waxaana sabab  u`ah mamul xumadda ka jirta Gobolka mudug iyo inay iska haystaan melleesho u ababulan qaab qabiil taasoo

ah fool xumo iyo caddaalad daro ka jira Gobolka waxaase  wili la sugaya isbadalka uu ku samayn doono Madaxwayne Gaas  mise wuxuu  mari doonaa madaxdii ka horaysay wadadii ay mareen ee ahayd  dusha ka eeg Mudug   waxana ha u qaban?.

Ciidanka Gobolka 

Dhanka  Ciidamadda  qalabka sida ee Gobolka Mudug ayaa  waxay  xili kastaa kacawdaan mushaar la`aan  inta badaana nabad galyo darada ka jirta Gobolka  waxaa sabab u ah  Ciidankii Gobolka oo aan helin mamuuskii  ciidanimo taas oo marar badaan keentay inay isku badalaan Maleesho Beeleed wixii ay doonana sameeya  mamamul xumo so mahan  goormaase gobolku ka baxaya ?.

                          Gunaanad

Ugu dabayntii   waxaan tallo ku so jeedin lahaa  in Madaxwaynaha Dawladda Puntland uu fiiro gaara  ku eego Gobolka Mudug oo ah Gobol Muhiimiyad gaara u leh Puntland waa in Xukumadda hada jirtaa waa inay Gobolka mudug ku samayso isbadal  dhan kastaa waana in lala xisaabtamo dhammaan  shaqsi yaadka curyaamiyey Gobolkii  ugu muhiimsanaa Puntland ugna istiraatijisana

Waxaan kale uu baaq  fariin u dirayaa Bulshadda Gobolka mudug inay ka taliyaan  aayaha  Gobolka oo ay ku fekeraan sidii ay  u hor marin lahayeen Gobolka  sidookale  waa inay qurba joogtu ka qayb qataan hormarka Gobolka Mudug…

Dhammaad

Waxaa  qoray Cabdinuur Faarax Maxamud

email-guuleed72@hotmail.com

Xigasho:Allidamaale.com

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *