Daawo Video: Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo Codasay in laga qayb qaato dib u dhiska Isbitaalka

9 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdikaxiin Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camay) ayaa dhawaan magacaabay Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo.

230-8c2

Gudigaas ayaa ka kooban 19 Xubnood oo 13 ka mid ah ay yihiin Shaqsiyaad Aqoonyanaho iyo Culumada ah oo Gobolka Mudug si wayn looga yaqaan waxaana Gudoomiye u ah Prof Maxamed Jaamac Salaad oo ah Takhtar si wayn Puntland iyo Soomaaliya looga yaqaan.

Codsi ka yimid Guddiga

Guddiga ayaa maanta Shir ku yeeshay Hotel aljazeera ee magaalada Gaalkacyo waxayna ka Codsadeen Dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee wanaaga jecel iyo gaar ahaan reer Punytland guduha iyo Dibadaba inay ka qaybqaataan taageero dhaqaalena ka gaystaan Dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo, Waxaana la xusuusinayaa in Taageeradooda aad loogu baahan yahay ayna yaraan lahayn 1 Doolar wax wayn ayey taraysaa.

Waxaa si gaar ah Jaaliyadaha Dibadda looga Codsanayaa inay sidii Caadada u ahayd ay sida ugu dhaqsaha badan uga qayb qaataan Taageero dhaqaalana ka gaystaan Dib u dhisida Isbitaalka Guud ee Galkacayo.

Isimo Baaq jeediyey

Amiir Maxmauud Yuusuf Ciise iyo Ugaas Cabdixakiin Nuur oo ka mid ah Ismada Gobolka Mudug ayaa Codsi u jeediyey ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Puntland waxayna ugu baaqeen inta Samaha jecel inay ka qayb qaataan dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug.

AKOONADA GUDDIGA

Amal Bank : 1011914967

Iftin Bank :384488

Dahabshiil Bank: GLKD002475

Sahal Number: 463406

E-Dahab: 44445

Kala xiriir: Gudiga Dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Galkacayo

Telefonad kala ah: 0907795005, 0907791355, 0907795529

E mail gdhospitalka@gmail.com

img_5472

img_5473

img_5476

img_5481

img_5483

img_5484

Puntlandes.com

About The Author