Daawo Video–Sawiro: Xasan Yusuf Dhuux oo Abaalmarin caalami ah la gudoonsiiyey

Melbourne (Pes): Xasan Yusuf Dhuux ayaa Abaalmarin caalami ah la gudoonsiiyey waxaa lagu gudoonsiiyey Gobolka Victoria ee dalka Australia.

Xaflada lagu bixinayey Abaalmainta Caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada Gobolka Victoria ee dalka Australia oo uu hogaaminayo madaxa Gobolka Victoria, waxaa kaloo ka soo qaybgalay madaxa Poliska Gobolka waxaana halkaas lagu abaalamariyey dadkii mutaystay Abaalmarinta sanadkan oo ka soo kala jeeday Jaaliyado kala duwan.

294

Xalfadan aadka loo soo agaasimay ayaa  waxaa lagu qabtay aqalka looga taliyo Gobolka Victoria ee dalka Australia, waana halka uu fadhiyo wakiilka Boqorada Britain.

Waxaa Xafladaas la gudoonsiiyey Abaalmarin caalami ah aadna u qiimo badan Dr Xasan Yusuf Dhuux oo ah Aqoonyahan/oday Soomaliyeed da’diisuna ay tahay  70jir. Waxaa Abaalmarintaa Caalamiga godoonsiiyey Dr Xasan wakiilka Boqorada Britain.

Doowo Abaalmarinta

291

20 sano ka hor ayuu tagay Xasan Yusuf Dhuux dalka Australia isagoo ku mutaystay Abaalmarintan caalamiga ah dadaalkiisa Jaaliyada Soomaliyeed ee Gobolka  Victoria isagoo ka shaqeeyey isku duubnidooda iyo wadojirkooda.

Waa Kuma Xasan Yusuf Dhuux?

Xasan Yusuf Dhuux wuxuu ku dhashay caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo sanadku markuu ahaa 1944 isagoo waxbarashada ilaa dugsi sare ku soo qaatay Caasimadii Somalia  ee Muqdisho. Bartamihii lixdameeyadii Xasan Yusuf Dhuux wuxuu waxbarasho jaamacadeed u aaday dalka Talyaaniga, kadibna dalka ayuu dib ugu soo noqday. Wuxuu Xasan Yusuf Dhuux ka baxay Somalia 1978 isagoo kamid ahaa dadkii uga baxay Somalia tacadiyadii uu Rajiimkii Siyad Bare dadka ku hayey.

290

Xasan Yusuf Dhuux kuma uusan ekaan ka shaqaynta, isku ururinta iyo wadajirka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Victoria ee wuxuu ka shaqeeyey qayb lixaad lehna ka qaatay isagoo ka mid ahaa dadkii unkay Mashruuca Horumarinta Magaalada Bursaalax oo la aasaasay 1999, faahfaahin halkan ka akhri/daawo. Mashruucaan oo ah mid aad u najaxay daboolayna baahiyo farabadan oo ay dadka degaanku qabeen. Wuxuuna soo saara dhalinyaro caafimaad qabta isagoo qayb lixaad leh ka qaatay Humarka Magaalada Bursaalax iyo nabada degaankaba.

288

Wuxuu kaloo Xasan aad iyo aad uga shaqeeyey Jaaliyada Soomaliyeed Gobolka Victoria ee dalka Australia isu keenida iyo wax wado qabsiga dadka ku nool Gobolka Mudug iyo Jaaliyada Gobolka ee dibada ku nool. Isagoo halhayskiisu ahaa ”Gacmo wadojir bay wax ku gooyaan” ee gacmaha is qabsada, waxna wada qabsada, nabada iyo hurumarkana ka wada shaqeeya.

Waxgarad aad u yaqaan Xasan Yusuf Dhuux oo la soo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay sheegeen Abaalmarintan Caalamiga ah oo uu dalka Australia siisay Xasan Yusuf Dhuux waxay ahayd mid ka wayn in ay Soomaaliyi siiso laakiin maanta suurtogal maaha, runtii waa uu mutaystay Abaalmirintaas Xasan.

Warbaahinta Caalamiga ah ee Puntlandes waxay hambalyo u diraysaa guud ahaan Soomaalida Gobolka Victoria gaar ahaan waxgaradkii iyo odayaashii Xasan Yusuf Dhuux kala shaqeeyey isku keenida iyo isku duubnida Jaaliyada Soomaaliyeed. Waxay kaloo hambalyo gaar ah u diraysaa Xasan Yusuf Dhuux, Xaaskiisa iyo caruurtiisa waxayn leedahay hambalyo hambalyo.

 

Halkan daawo Videoga Xasan Yusuf Dhuux oo la gudoonsiinayo Abaalmarinta

  Halkana ka doowo sawirada xafladii lagu gudoonsiiyey Abaalmarinta Xasan Yusuf Dhuux

298

295

294

293

292

291

288

286

284

283

282

281

280

279

278

277

275

274

273

272

271

Puntlandes.com

About The Author