Dhagayso:-Wasiir Xigeenada Wasarada Beeraha Puntland Oo Dhaliil Ujeedisay Hay,adaha Beeraha Ee Puntland Jooga

Siciido Xuseen Cali wasiir ku-xigeenka beeraha dowladda Puntland ayaa waxaa ay sheegtay in beeraha ku yaala Puntland ay ubadan yihiin beeraha waraabka ayna inta badan awoodin inay biyahaas ka baxaan kharashkiisa ayna hay,adaha beeraha qaabilsan Puntland si wanagsan u kaalmayn beeralaydaas.

Waxay in sheegtay in hay,adaha kala ah WFP iyo FOW aysan sidii loo baahnaa u caawin dadkaas beeralaydaas waxaana jira in qalabka ay bixiyaan oo ubaahan dayac tir aysan waxba ka gaysan qalabkii kale ay keeni jireena aysan keenin.

WFP oo kale ayay sheegtay in laga doonayay dayactirka qalabka ay bixiyaan iyo cunada ay beeran lahaayeen aysan sidi loobaahnaa aysan waxba u qaban qalabka ay bixiyaana aysan dib dambe dayactirkiisa aysan waxba kala qaban beeralayda oo aan awoodin.

Siciido Xuseen Cali wasiir ku-xigeenka beeraha dowladda Puntland ayaa xustay in hay,adaha aysan xiliga loobahan yahay tusaale hada oo abaar jidho aysan waxba qaban balse marka la dhaafo ama dadka dhibka kordho ay keenaan wax aan loobaahnayn xiligaas.

Hoos ka dhagayso

About The Author