Dhagayso+Sawirro:-Golaha Deegaanada Godob Jiiraan Oo Biyo Gaarsiiyay Dadka Abaartu Hayso

Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada godob jiiraan ee gobolka nugaal ayaa kulan ay yeesheen waxay go,aan sadeen in dhaqaale ay iska aruuriyaan ay biyo dhaamyin ugu sameeyaan dadka iyo duunyada haraadka iyo gaajadu hayso ee wali miyiga kusugan.

Xidhibaan Xildhibaan Cismaan Xasan Cabdiraxman Soobe ayaa sheegey in hada ay qaybiyeen saddex booyadood oo kamida lix booyadood oo ay goysay lacagtii ay iska aruuriyeen waxaana uu ka digay nolosha dadka weli miyiga baaqiga ku ah ee abaartu hayso.

Xildhibaanka ayaa sheegey in xoolaha haray ee weli miyiga jooga aysan awoodin inay soo gaaraan goobaha ay biyaha ka cabi lahaayeen macaluul daran oo haysa awadeed mana jiraan xiligaan xoolo dadka ay iibsan karaan madama ay abaar xun soo madhay.

Hoos ka dhagayso Codka Xidhibaan Xildhibaan Cismaan Xasan Cabdiraxman Soobe

Hoos ka eeg Sawirrada

IMG-20170206-WA0005 IMG-20170206-WA0006 IMG-20170206-WA0007 IMG-20170206-WA0008 IMG-20170206-WA0009 IMG-20170206-WA0010 IMG-20170206-WA0011 IMG-20170206-WA0012

About The Author