Dhagayso:-Bada Oo Laga Cabsi Qabo Inay Biyaheedu Gudaha Magaalada Caluula Galaan

Degmada Caluula ee Gobolka bari waxaa ay cabsi soo wajahday dadka ku dhaqan kadib markii biyaha bada ay soo jabiyeen jaankii doonyaha ay gali jireen oo al waax ka samaysan uu biyihii ugudbiyay dhanka magaalada waxaana isku dayo badan oo dadka deegaanka ay sameeyeen celin waayeen biyihi soo burqanayay.

Gudoomiyaha degmada Caluula Axmed Maxamed Xasan ayaa waxaa uu sheegey in dadkii deegaanka ay ka soo guureen dhanka bada waxaana biyihii ay dumiyeen guryo dadka deegaanka ay lahaayeen sidoo kale biyaha ayaa waxaa ay la tageen qaar kamida laashashkii dadka kuluumaystada ay lahaayeen.

“Magaalada waxay kutaalaa xeeb waxaa ka go,a laag qori la yariraahdo oo badweynta kasoo go,a oo dhanka magaalada usoo baxa qorigaa waa lagu ladnaa kaluunkaa laga jilaabtaa doonyahaa lagu xaraystaa waa deked camal kaa ayaa magaaladu waa cida soo gurantay badi baa usoo faruurantay dhanka magaalada ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Maxamed Xasan.

Axmed Maxamed Xasan gudoomiyaha degmada caluula ayaa sheegey in badii ay usoo durkayso dhanka magaalada ayna dadkii cabsi muujinayaan waxaana guryo meel sare ku yaala la dajiyay dadkii soo barakacay waxaa sidoo kale qoysas la dul saaray qoysas danyara oo guryahoodii badii la tagtay.

Hoos ka dhagayso Codka

About The Author