Dhagayso:-Dhaawaca Taliyihii Saldhiga Booliska Qardho Oo Hargaysa Loo Qaaday

Taliyaha saldhiga booliska degmada qardho ee xarunta gobolka kar kar C/rizaaq Maxamed Siciid.,mid kamida ilaaladiisa,iyo waliba qof shacab ah oo la socdey ayaa waxaa ay galeen shil gaari waxaana dhaawac culus taliyaha uu ka gaarey qaarka dambe waxaana gabi ahaan dareenkii ka tagay qaar ka dambe.

Agaasimaha cusbitalka Qardho Axmed Juquraafi ayaa sheegey in qaarka dambe ee taliyaha uu aad u bur burey dareenkiina ka tagay waxaa dhakhtarkii waynaa ee magaalada uu ku wargaliyay eheladiisa inuusan ninkaan waxba ka qaban karin isagoo xusey in eheladiisa ay u qaadeen magaalada hargaysa.

Taliyaha saldhiga booliska degmada qardhoC/rizaaq Maxamed Siciid. iyo labada ruux ee la socotay ayaa shalay shil ku galey meel udhow magaalada qardho ee xarunta gobolka kar kaar waxaana wali hada la dabiibayaa mid kamida ilaalada taliyaha oo isagan dhanka madaxa bur bur kasoo gaarey.

Hoos ka dhagayso

About The Author