Dhagayso:-Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Oo Ka Hadlay Arimo Badan Puntland Ka Jira iyo Madaxeynaha Cusub Ee Soomaaliya Loo Doortay

Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar oo kusugan magaalada boosaaso ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha deegaanada dowlada puntland ka jira sida amaanka ,iyo abaaraha waxaa uu sidoo kale ka hadlay madaxweynaha cusub ee soomaaliya loo doortay dhawan.

Amaanka

Mudane C/xakiin ayaa waxaa uu sheegey in ciidamada amanka dowlada Puntland ay hada howlgalo xoogan ka wadaan magaalada boosaaso isagoona fariin u direy ummada wanagsan ee reer Puntand wuxuuna sheegey in markaan oo kale howlgalada lagu qab qabto dad aan waxba dhimin balse raadka sharwadayasha lagu daba jiro.

“Waxaan ummada u sheegeynaa marka tanoo kale ay dhacdo in badan oo muwadiniin ah oo aan dambi galin ayaa waxaa soo gaadha dhibta ay sharwadayaashu gaystaan in la qabto, in wax lawidiiyo,in la xiro inta waxaan lee yahay aad iyo aad ayaa ugaxumahay qofkii aan dambi lahayn ee muwaadin ah ee wax soo gaaraan ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Abaaraha.

runtii xaaladaas waa la socotaan dowladu waa dowlad yar dhaqaalaheeduna maahan dhaqaale ku filnaan kara wax kasta oo dhib ah imaada wixii awoodeeda dowladu waa bixinaysaa wixi ay awoodayna waa ay bixisay howsha abaartuna waa mid guud ahaan ummada Soomaaliyeed haysta gaar ahaan reer Puntland ayuu yiri mar uu abaarta ka hadlayay Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa sheegey in dhawan roobab ka da,ay Puntland ay isugu yimaadeen guud ahaan ummada soomaaliyeed oo ka yimid maamulada dariska ah iy dowladaha dariska ah iyadoona uu booqday madaxweynah dowlada Puntland Mudane C/wali maxamed Cali.

“Dhawaan boqol iyo konton kun oo doolar ayaa waxaa nasoo gaarsiiyay gudiga gurmadka abaaraha ee soomaaliya wan uga mahad celinayaa horeyna wan uga mahad celiyay wixii la awoodo ee la isa siinayo maamuladuna isa siinayaan sidaan horeyba u iri way fiican tahay ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa rajo wanagsan ka muujiyay doorashadii dhawaan mudisho lagu doortay madaxweynaha soomaaliya maxamed C/laahi maxamed( Farmaajo) wuxuna sheegey in wax waliba laga dheehan karo dareenka ay muujiyeen guud ahan umamda soomaaliyeed.

Hoos ka dhagayso waraysiga oo dheer

About The Author