Dhagayso:-Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland Oo Ka Hadashay Dawo Dhaday Oo Ku Dhex Khaldan tay Dawooyin La Qaybinayay Oo Si Khaldan Wax Looga Qorey

Wasaarada xanaanada xoolaha dowlada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dawo dhacdey oo dhawan si khaldan ugu dhex darsan tay dawooyin wasaaradu ka qaybinaysay dhulkii lagu soo hayaamay ee Puntland waxaa durba dhakhaatiirtu dawadaa kusoo celiyeen xarunta wasaarada sida uu sheegay agasimaha guud mudane Axmed Cabdi cali.

Axmed cabdi Cali ayaa waxaa uu sheegey in khaladka uu ka dhacay kadib markii wasaaradu ka guudhay xaruntii ay daganayd oo usoo guureen xaruntooda cusub ee madaxtooyada u dhow wuxuuna xusey in qolyaha wararka khaldan qorey aysan waxba ka wiidin wasarada sida uu sheegey.

“Dawadan dhacdey meel kamida bakhaarka wasaarada ayay tiilay markii aan kasoo guureynay xafiiskii hore ayaan waxaan ku tashanay in dawadaas lasoo raro kadibna la gubo marka si khalada oo aan ku tala ahayn ayay dawadaas ku raacdey dawadii lala raray kadib markii la isticmaali lahaa ayaa lasoo celiyay oo laga war heley ayuu warkiisa raaciyay.

Hoos ka dhagayso Codka

About The Author