Daawo: Waxaa Maanta Booqday Qabriga Marxuumad Saado Cali Warsame Wafdigii Dowlada Puntland U Dirtay In ay soo Booqdaan Qabrigaas (+Sawirro)

0

Muqdisho (Pes): AUN iyadoo shalay lagu aasay Magaalada Xamar Marxuumad Saado Cali ayaa waxaa isla shalay makhribadii gaaray magaalada Xamar wafdi ballaaran oo kasoo kicitamay magaalada Garowe ee casimadda Dowladda Puntland. Waxaana Puntland u soo dirtay in ay booqdaa qabriga Saado Cali oo ay DFS ka diiday Puntland in lagu aaso Puntland ama lala sugo. Wafdigaas waxay isugu jireen wasiiro, odayaal dhaqameedyo iyo saraakiil kala duwan. Waxayna ka koobnaayeen 17 xubnood.

 

Waftigu xalay waxay ku hoydeen Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Xamar. Halka ay maanta u suurto gashay ujeedadoodii loo soo diray oo ahayd in ay booqdaan Qabriga  Marxuumad Saado Cali oo lagu aasay shalay 24-07-2014, isla magaaladaas.Waxaa ku weheliyey booqashada ay waftigu Qabriga ku tageen Wasiirka Duulusta Hawada iyo Garoomad Dowladda Somalia Siciid Qoorsheel, Sarakiil ka mid ah xafiiska ra’iisal wasaaraha,Ra’iisal wasarihii hore ee Somalia Cali Max’ed Geeddi iyo qaar ka mid ah dadka Xamar waxayna dhamaantoodAllah uga baryeen Marxuumadda inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, umada soomaliyeed iyo dadkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Waftiga oo ay u qorshaysnayd in ay isla maanta booqashada qabriga ka dib ku laabtaan Puntland ayaa waxay u baaqdeen in ay la afuraan caawa fiidnimadii madaxda DFS..

Halkan hoose ka daawo markay booqanayeen

 Hoos ka daawo sawirada waftiga oo booqanaya Qabriga Marxuumad Saado Cali

304

303

302

301

300

299

298

297

296

295

294

293

292

291

290

289

288

287

286

285

284

283

282

281

280

279

278

277

276

275

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *