Kenya oo war ka soo saartay dib u soocelinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

06 May 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Arimaha dibadda ee dalka Kenya war qoraal ah ka soo saartay warkii ay dawladda Fedraalka Soomaaliya ku sheegtay inuu dib loo soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Dawladda Kenya oo qoraalka ugu mahadcelisay dawladda Qatar ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo soo celiyey xiriirkii ganacsi ee labada dal ka dhexeeyey.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wax yar kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu ka helay dhambaal Amiirka al Thani oo loo sii mariyay ergeygiisa gaarka ah Mutlaq bin Majed al Qahtani.

About The Author