Sawirro-muuqaal: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo qaybaha kala duwan ee bulshada usoo bandhigay qalab casriga ee diiwaangelinta

10 May 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta qaybaha kala duwan ee bulshada ee kala ah Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada, culimaa’udiinka, Haweenka, dhalinyarada iyo siyaasiyiinta usoo bandhigay qalab casriga ah oo loogu talogalay diiwaangelinta codbixiyaasha.

Guddiga ayaa sameeyay diiwaangalin tijaabo ah oo lagu diiwaangeliyay dadkii kasoo qaybgalay kulankaas.
Qalabkaan ayaa loo isticmaalidoonaa diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dhowaan ka bilaabandoonta degmooyinka Puntland.



Puntlandes.com

About The Author