Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Bixi oo ka jawaabay baaqii C/kariin Axmed Mooge, Kulanna la qaatay Isaga Iyo Mudaneyaal Gole Deegaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  ayaa isaga oo ka jawaabay baaq uu maanta u soo diray Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo ah kamid ahaa xubnihii golaha deegaanka ee dhawaan ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, waxa uu kulan gaar ah la qaatay mudanahan iyo tiro xubno golaha deegaanka caasimadda ee cusub oo ah oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha oo tixgelinaya codsiga mudanaha ugu codka badan tartamayaashii goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacay ee la xiriira in la dhegaysto codka shacabka caasimadda Hargeysa, ayaa si gaar ah ula kulmay mudane Cabdikariin iyo xubno golaha deegaanka ah, kana soo jeeda axsaabta mucaaridka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu horrayn sharraxay ujeeddada uu u aqbalay Baaqii maanta loo jeediyey, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu garab taagan yahay aqlabiyadda codka shacabka , waxana uu yiri,“Imaatinkeenna maanta waxannu idiin ballanqaadaynaa xaqa aad leedihiin iyo doorashada aad ka cabateen, wax Alle iyo wixii xad-gudub iyo xaqdarro ah inaanu idin kala hawlgalno in waddadii saxda ahayd lagu soo celiyo, loona maro waddo sharci ah, baaqiinniina jawaabtiisu waxa weeye waannu idin garab taagannahay, wixii xuquuq ah oo doorashadaas, cod-bixintaas iyo miisaankaas aad sidataan ku leedihiin inaannu idin kala hawlgalno oo waddada xaqa ah ee dawga ah lagu soo celiyo, idinkana gardarro idiin qaadi mayno, waxaad xaq u leedihiinna anigu madaxweyne ahaan waan idinla hirgelinayaa, kulankeenna maantuna jawaabtii baaqiinna ayuu ahaa.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale si mug leh ugu mahadceliyey dhammaanba qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland, sidii qiimaha lahayd ee ay uga qaybgaleen doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo xilkasnimadii ay muujiyeen.

Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u sharraxan maayarnimada caasimadda Hargeysa, ayaa dhankiisa madaxweynaha si weyn ugaga mahadceliyey sida milgaha iyo degdegsiimaha leh ee uu uga soo jawaabay baaqii uu saacado ka hor u diray, waxana uu tilmaamay inay wanaaggaas iyo xilkasnimadaa uu muujiyey ay marag ka tahay sida uu u dhegaysanayo baaqa shacabkiisa.

Kulanka madaxweynaha waxa ku wehelinayey qaar kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah xildhibaanada wakiillada ee dhawaan la doortay, qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan caasimadda loo doortay iyo haldoor kale.



Puntlandes.com

About The Author