Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo & saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

10 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Goluhu dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka Gudniinka Gabdhaha iyo Xeerka Daroogada oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.


Puntlandes.com

About The Author