Daawo muuqaal Dowlada Puntland oo Garowe kusoo bandhigtay qaar ka mid dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea oo soo fakatay

10 June 2021 (Puntlandes) Dowlada Puntland oo Garowe  kusoo bandhigtay qaar ka mid dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea oo soo fakatay.

Dowlada Puntland  ayaa magaalada Garowe ku bandhigtay  5 ka mid ah dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea oo soo fakatay, waxayna sheegeen in tirada dhalinyaradii tababarka loogu qaaday dalkaas ay 5500 ahayd.

Mid ka mi ah dhalinyada oo lagu magacaabo C/maalik lagana qoray magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Dalmar Media Service u sheegay in laga qoray xurunta Nabadsugidda Qaran uuna ogaa Fahan Yasin.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa lagu siray oo loo sheegay in Qatar u qaadan doonto Ciidan ahaan ayna ka shaqayn doonaan dalka Qatar kuna qaadan doonáan mushahaar aad u badan, kadibna waxaa laga tuuray Eritrea  oo ay dhibaatooyin kala kulmeen.

Waxay sheegeen intii ay joogeen dalka Eritrea uu madaxweyne farmaajo u yimid labo jeer salaanna ka qaatay isagana tagay isagoo u jeeda daruufaha qalafsan ee haysta.

Hoosna ka waado C/maalik

Puntlandes.com

About The Author