Sawirro: Dudun-Somalia oo laga bilaabay qodida Ceel Biyood

11 June 2021 (Puntlandes) Deegaanka Dudun-Somalia, (Tuulo xanan), ee degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa maanta oo Jimce  ah bishuna ay tahay 11ka june 2021 waxaa laga bilaabay qodida Ceel Biyood, kaas oo uu qodayso Badbaado development foundation.

Munaasabada si heer sare loo soo agaasimay oo lagu daah-furayey bilaabashada qodida Ceelka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada dawladda Puntland, gudoomiye  kuxigeenka gobolka Mudug, isku duwaha wakaalada horumarinta biyaha Puntland, gudoomiyihii degmada Bursaalax, nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas.

Dhamaan dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa waxay soo dhaweeyeen in Ceel laga qodo deegaanka waxay u duceeyeen dadkii dhaqaalaha ku bixiyey iyo dadkii ka soo shaqeeyeyba, waxayna hoosta ka xariiqeen inuu Ceelku yahay horumar ballaaran oo deegaanku ku soo kordhay ayna ilaashanayaan.

Dhawaan ayaa waxaa laga bilaabay Dudun-barwaaqo oo ka tirsan degmada Galxamur ee gobolka Doollo qodista Ceel si iskutashu ah ay qubajoogta Dudun u qodayaan taas oo aan wax badan ka fogayn Ceelka maanta la bilaabay.


Puntlandes.com

About The Author