Sawirro-muuqaal: Dowladda Puntland oo qado sharaf u sameysay ganacsato ka kala yimid Puntland oo u joogay Garowe kaqayb qaadashada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland

19 June 2021 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa qado sharaf u sameysay ganacsato ka kala yimid Puntland oo u joogay magaalada Garoowe ka qayb qaadashada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Guddiga Kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin tiro wasiirro ah ayaa kasoo qayb galay qada sharafta iyo ganacsatada ugu waawayn Puntland kuwaasoo bixiya cashuuraha ugu badan.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu muhiimsan yihiin horumarinta jidadka , dhismayaasha buundooyinka iyo horumarinta adeegga bulshaddu u baahantahay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa xusay in ay muhiim tahay bixinta cashuuraha si loogu horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshaddu baahantahay.
Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladdu bilaabayso qaadista cashuurta iibka taasoo laga hirgalin doono Furdooyinka Puntland inta dhiman si ay Dawladdu awood ugu yeelato horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dadaalkaan socda ayaa ah mid saldhig u ah sidii wax looga qaban lahaa jidadka ay roobabku wax yeeleeyeen si loo fududdeyo isu socodka badeecadaha iyo gaadiidka u kala goosha gudaha Puntland.

Ganacasatada Puntland ayaa soo dhaweeyay hindisaha hirgalinta cashuurta gadista ee lagu qaadi doono Furdooyinka si loogu bixiyo horumarinta adeeggyada aasaasiga ah.



Puntlandes.com

About The Author