C/raxmaan C/shakuur ”20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ayaa weli ku jira guddiga farsamada”

19 June 2021 (Puntlandes) Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac ka muujiyay guddiga farsamada ee doorashooyinka isagoo sheegay in ay weli guddiga xubno ka yihiin taageerayaasha Farmaajo iyo xubno ka mid ah ciidamada dhar cadka.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ugaga hadlay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur warar sheegaya in laga saaray guddiga farsamada mid ka mid ah xubnaha uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug.

“Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah, iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble.” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal kooban oo uu soo dhigey bartiisa Facebook.

About The Author