Daaawo Muuqaal: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani oo eedayn culus u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi “cod Laguma helo Lacag ….”

19 June 2021 (Puntlandes) Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo eedayn culus u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi “cod Laguma helo Lacag ….”

Khadar ayaa yiri “Doorashadii maayarada iyo ku xigeenada Laascanood iyo Burco Sabab la’aan ayaa dib loogu dhigay waxaana sabab u ah wasiiro ka baqaya in guul daradu u sababto in xilalka laga qaado, lacag iyo dawarsi cod laguma helo balse shacabka ayaa bixiya…”

Xoghaye Khadar ayaa ku sii daray “Wasiirada waxaanu leenahay shacabka ka xishooda, Diinta ka xishooda dhaqankana ka xishooda, Wasaarada arimaha guduhu kamay soo saarin qoraal lagu cadaynayo sababta dib u dhigista doorashada deegaanada Burco,Laascanood iyo Oodweyne. Waxaan ku baaqayaa inaan Golayaasha deegaanka la fadaraynin laaluushku waa fadare ”


Puntlandes.com

About The Author