Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku eedeeyey Xildhibaan Sheekh Siciid Sokeeye kicin shacab

20 June 2021 (Puntlandes) Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa oo u jawaabey Xildhibaan Sheekh Siciid Sokeeye ayaa ku eedeeyey inuu ku kacay kicin shacab.


Xildhibaan Siciid Sokeeye ayaa khudbadii salaada Jumce ku sheregay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay laaluush ahaan uga gadaynayso Xildhibaanada Golaha wakiilada inay u codeeyaan musharaxa uu wato, taas oo ku timaamay wax shariga baalmarsan, halkan ka daawo khudada Xilshibaanka iyo Sheekh Dirir oo ka hadlay ”Codka in la iibsado waa xaraan”

Wasiir Khaliil ayaa Xildhibaanka ku eedeeyey inuu ku kacay kicin shacab, wuxuuna yiri “ninkaasi sheekh ayuu isku tilmaamay, balse wuu ka fogaadey sheekhnimadii. Ninkaasi waxuu masjidka kaga hadley waa kicin shacab, khudbadiisana waxuu ku dhameystay dhaleeceenta xukuumada”

Puntlandes.com

About The Author