Puntland oo shaacisay mushaharka shaqaalaha dowladda wakhtiga la kordhinayo

21 June 2021 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa shaacisay, in bisha Agoosto ee sannadkan si rasmiya mushahar kordhin loogu samaynayo shaqaalaha kala duwan ee dowladda.

Agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Cabdirashiid Cismaan Shaaluco ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray dib u-eegista iyo tirakoobka shaqaalaha dowladda ay soo dhammaystireen wajigii koowaad ee qiimaynta hawshaas.

Wuxuuna yiri “Guddigii madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabudllaahi Deni u magacaabay dib-u-eegista iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ayaa soo dhameeyey wajigii koowaad ee qiimaynta”

Shaaluco ayaa sidoo kale sheegay, in bisha Agoosto ee sannadkan si rasmiya loo kordhin doono  mushaharka Shaqaalaha dowladda Puntland isagoo yiri “Waxaa shaqaalaha si rasmi ah loogu kordhinaya mushaarka bisha August ee sanadkan.”

Puntlandes.com

About The Author