Daawo muuqaalo: Gudiyada Doorashada oo la xaraynayo siiyey iyo guddigii uu magacaabay Rooble oo la kala diray

21 June 2021 (Puntlandes) Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey xiliga ay soo xaroonayaan xubnaha guddiyada doorashooyinka, taas oo ah  ugu dambeyn Khamiista oo ku beegan 24 june 2021.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Sharci ahaan waa guddiyo madax banaan oo u xilsaaran in ay soo saaraan xildhibaannadii golaha shacabka iyo xildhibaanadii aqalka sare ee baarlamaanka si guddiyadaas ay howshooda u qabsadaan waxay u baahanyihiin in la is ku keenno kadibna loo tababaro shaqadooda, 27 bishaan waxaa u bilaaban doonna tababar 4 maalmood socondoona, waxaana lagu bari doonaa in maalinta 1aad la ga saxiixo xeer dhaqameed ku saabsan hufnaanta doorashada oo ay wada saxiixidoonaan dhamaan guddiyada sida guddiga amniga Doorashooyinka Qaranka, guddiga heer federaal ee doorashooyinka Qaranka, guddiyada heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta qilaafaadka Doorashooyinka arrintaas waa mid ku saleesan balanqaadkii uu Ra’iisul Wasaaruhu sameyay ee ku saabsaneed in dalka laga hirgaliyo doorasho xor iyo xallaal ah.
Ujeedada tababarka loo siinnayana waxa ay tahay in maadaana ay guddiyadu howlo gaar gaara kala leeyihiin in ay isku tababar qaataan maadaama ay hal u jeeddo oo ah in dalka doorasho xor iyo xallaal ah ay ka dhacdo leeyihiin si ay u fududaato xiriirkoodada iyo wadda shaqeentooda”

Dhanka kale, Guddigii Ra’iisal Wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay.

Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabay  maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed.

 

Hoos ka daawo Avv Cumar Dhagey oo faahfaahiyay jadwalka…….

Hoos ka daawo Kooxda farsamada Arrimaha doorashooyinka ee Xafiiska RW oo kudhawaqay waqtigay xaronayan guddiyada..

Hoos ka daawo Gudigii Wasiirada ee hubinta xubnaha gudiyada doorashooyinka oo kooxda farsamada RW kuwareejiyay

Puntlandes.com

About The Author