Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray dhismaha Bangiga dowladda Puntland

01 Aug 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland, kaas oo laga dhisay caasimadda Puntland ee Garowe.

Bangiga waxaa dhistay Dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay Madaxweyne Deni 3-dii March 2020, waxaana lagu fuliyey dhismaha xaruntan kharashaadka lagu helay beekhaaminta dakhliga Dowladda.

Dhismaha xarumaha Dowladdu waxay qeyb ka tahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada loo hayo Shacabweynaha Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.



Puntlandes.com

About The Author