02 Aug 2021 (Puntlandes)  Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay 5 kursi oo ah 5 Kursi oo madaxweynaha maamulkaas soo gudbiyey.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali, halka Kursiga 2-aad ay ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi, waxayna uga guuleystaan kuraastaas labo musharax oo dumar ah.

Kursiga 3-aad ee Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiur-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble.

Kursiga afaraad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Abdinuur (Garabay) wuxuu helay 76 cod, halka Musharaxii la tartamaayey Nuur Baabuul Cadow helay 9 cod, waxaa xumaaday 5cod.

Kursigii u danbeeyey ee 5-aad ee Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystayDr Xusneen Maxamed Daahir helay 71 codadka ay dhiibteen mudanayaasha Baarlamaanka KGS.

About The Author