Cabdi Xaashi oo RW Rooble u gudbiyay qodobo xal u ah khilaafka Doorashada

02 Aug 2021 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa soo saaray qoraal uu ugaga hadlayo khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi iyadoo qoraalkana uu ugaga talo bixiyay sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka.

Shalay ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si wadajir ah ula kulmay hoggaamiyaasha labada garab ee siyaasiyiinta gobolada Waqooyi.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa loogu magac daray xal u raadinta muranka ka taagan doorashada Somaliland ayaa lagu xusay qodobo talo bixin oo ay ka mid yihiin;

1- Dhismaha Jiheynta Doorashada Somaliland oo ah in Guddoomiyaha Aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka ay si wadajir ah oo haga maamulka doorashada Somaliland.
2- Dib u mideynta guddiga iyo gudoonka doorashada Somaliland ayna kala qeybsadaan garabyada siyaasiyiinta oo qeybna ay qaadato guddoomiyaha qeybta kalana guddoomiye ku xigeenka iyo xoghaynta guddiga.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku taliyay in goobta ay ka dhacayso doorashada siyaasiyiinta Somaliland lagu qabto xerada Avisiyone ayna ilaaliyaan ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa qoraalkiisa waxa uu ugaga digey ra’iisul wasaaraha inuu qaato go’aan hal dhinac lagu raaligeleynayo waxana uu ku goodiyay in haddii ay sidaas dhacdo ay qaadan doonaan go’aan ay kaga tashanayaan aayaha dadka ay metelaan iyo madax banaanida doorashada.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi


Puntlandes.com

About The Author