Daawo: Siciid Diiriye oo Sheegay in ay Puntland u baahan tahay in ay lacag iyada u gaar ah samaysato

0

Garowe (Pes): Siciid Diiriye Dabo-Gub oo horey usoo noqday Xillibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa ku nuuxnuuxsaday sida uu uga xun yahay waxa Xamar ka socda, Xamar dowladnimo ma taasho. Saado calina dilkeedu wuxuu aha amid siyaasadeed oo reer Puntland ay ogyihiin cida ka dambaysa. Wuxuu intaa ku daray Siciid sedexdii xildhibaan ee lagu dilay Xamar inay ahaayeen dilal siyaasadeed.

Wuxuu usoo jeediyey dadka ka soo jeeda Puntland ee Xamar jooga in ay isaga soo tagaan..

Madaxweyne Puntland Dr Gaas ayuu Siciid Diiriye usoo jeediyey inuu qaato go,aan uu kaga kaaftoomayo xiriirka ay wadaagaan xilligan Puntland iyo Muqdisho. Wuxuuna ka codsaday madaxweynaga in uu iska daayo u haqaltaaga Xamar una soo jeesto Puntland.

Wuxuuna ugu baaqay Siciid madaxwaynaha Puntland in la joogo waqtigii Puntland ay samaysan lahayd lacag u gooni ah, oon ahayn mida been abuurka ah ee Xamar nagala dhaxaysa.

Halkan ka daawo Siciid Diiriye.

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *