Sawirro: Xubno ka mida Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo kulan la qaatay ku- xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

12 Sept 2021 (Puntlandes) Xubno ka mida Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha GHDHF mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay ku- xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina Janne Maxamed.

Intii Kulanku socday Waxa aad loo lafa guray Arimaha Doorashooyinka dalka iyo sidii loo dar dar gelin lahaa. Waxa kale oo laga wada hadlay sida ugu haboon ee loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ugu yaraan 30%.

Ugu danbayn GHDHF ayaa dhankooda xaqiijiyay in geedi socodka Doorashada dalku meel fiican marayso, Isla markaana dhawaan la filaayo in lasoo gabagabeeyo Doorashada Aqalka Sare, si loogu gudbo Doorashada Golaha Shacabka, laguna saleeyo jadwalkii ugu danbeeyay ee ay soo saareen GHDHF.


Puntlandes.com

About The Author