Sawirro-Muuqaal: Rooble oo laqaatay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud

13 Sept 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in lala socodsiiyo hubinta kharash-bixinta iyo lacagta hey’adda IMF qoondada dowladda Federaalka, isla markaana iyadoo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aan la bixin karin lacag.



Puntlandes.com

About The Author