Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay Guddiga dib u habeynta Ciidanka Booliska Puntland

13 Sept 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shir la qaatay Guddiga dib u habeynta Ciidanka Booliska Puntland.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan,Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Xisaabiyaha Guud ee Dawladda iyo Qaar kamid ah taliyaasha qeybedada Gobolada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa looga hadlay arrimaha dib u habeynta Ciidanka iyo diyaarinta Miisaaniyadda sannadka 2022-ka.
Mudane Xasan Shire Cabdi oo shirka kaddib la hadlay xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta ayaa ka hadlay ujeedada shirka uu la qaatay Saraakiisha.

“ Waxaan maanta shir iskugu nimid Taliska qaybta Booliska ee goboladda, taasoo looga hadlayey labo qodob oo ah Dib u habeynta ciidamada Booliska oo gabogabo ah, gobol kasta inta ka dhimanayd iyo xilliga ay soo xaroonayaan iyo Diyaarinta Miisaaniyadda cusub ee 2022-ka…” ayuu yiri Mudane Xasan Shire Cabdi.

Dhinaca kale waxaa uu u sheegay Saraakiisha in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay in Ciidamaddu si joogto ah u helaan xuquuqdooda uguna soo dhacdo mushaharaadkooda Taleefoonadooda isla markaana aysan dhici doonin in mushahar la waayo.

Dowladda Puntland in ay hesho ciidamo la ogyahay tiradooda iyo tayadooda waa ballan qaadyadii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.


Puntlandes.com

 

About The Author