Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland oo furay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Habraacyada Dastuurada

14 Sept 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa si rasmi ah u furay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Habraacyada Dastuurada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL oo ugu horeyn ka hadlay muhiimada uu leeyahay aqoon isweydaarsigu, ayaa xusay in Golaha Wakiillada DPL uu yahay Baarlamaanka ugu muddo dheer kuwa Dawladaha Xubnaha ka ah DFS, sidaas daraadeedna Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu door muhiim ah ka qaadan doono Daraasadda isbarbardhiga Dastuurada.

Furitaankii Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa hadalo kooban ka jeediyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame iyo Madaxa Xafiiska Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee UNDP Muuse Ducaale iyagoo sheegay muhiimada leedahay in ka qaadashada aqoon kororsigu iyo doorka ay ka qaadan karaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Muddada uu socdo aqoon isweydaarsigu ayaa iyana looga doodi-doonaa hannaanka wax-ka-bedelka ee Dastuurka DFS, sooyaalka taariikheed ee Geedi-socodka Dastuurka DFS iyo kala aragti-duwanaansha Arrimaha Dastuurka DFS.



Puntlandes.com

About The Author