Sawirro: Kulan ku saabsan soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda 2022 oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda Puntland

14 Sept 2021 (Puntlandes) Xarunta Wasaaradda Maaliyadda dawladda Puntland ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2022.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi waxaana ka soo qeybgaley Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud ku xgeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, ayaa ka dhageystay masuuliyiinta xogta Odoroska Dakhli iyo Kharashka la filan karo Sanadka 2022, iyadoo ay qiyaas ka bixiyeen Miisaaniyadii dhabta aheyd ee sanadka 2021 bilihii January illaa August 2021, taasoo laga qaadan doono Odoroska Sanadka 2022.

Sidoo kale, Miisaaniyadda 2022 ayaa la filayaa in ay noqoto Miisaaniyaddii ugu waxqabadka Wanaagsaneyd, taasoo ay ka muuqan doonaan horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada Dowladdnimadda.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa u mahad celiyay Masuuliyiinta sida wanagasan oo ay u soo ban-dhigeen Odoroskan, isla markaasna ku booriyay in si deg deg ah loo dhameystiro jadwalka Miisaaniyadda, si loogu gudbo wajiyada xiga iyadoo lagu dari doono tala soo jeedinta la sameeyay.

Wasaaraddda Maaliyadda, ayaa wada horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo kobcinta dakhliga Dowladda, waxaana barbar socda hirgalinta mashaariic ballaaran oo ay ka mid yihiin hagaajinta iyo dhisida Dakadaha iyo Jidadka, kuwaa soo waxtar u leh dadka Puntland.


Puntlandes.com

About The Author