Sawirro: Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo gaaray Beledweyne

10 Okt 2021 (Puntlandes) Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka GHDHF Abukaate Mowliid Mataan Salaad iyo Guddiga maamulka Doorashada Heer dowlad Goboleed Hirshabele ayaa maanta gaadhay Magaalada Baladweyne; iyada oo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala ah: Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobalka, degmada Baladweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa Kulan kula qaatay Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan masuuliyiinta Gobalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Kulankan ayaa looga hadlay bilaabashada doorashooyinka soo fool leh ee Gollaha Shacabka oo diyaargarowgii ugu dambeeyey lagu jiro.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Guddiyada Doorashooyinka uga warbixiyey in ka maamul ahaan ay diyaar u yahiin qabashada doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan la filaayo in la billaabo.

Booqashadan uu Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal maanta ku tagay Baledweyne ayaa qayb ka ah safarro isdabajoog ah oo uu guddigu ku bixinayo dhamaan goobaha doorashooyinka loo asteeyey ee ku kula yaalla dhamaan Dowlad Goboleedyada Dalka, taasoo loogu kuurgalayo diyaarsanaanta goobaha doorashada si’ loo meelmariyo doorasho hufan oo xalaal ah.


Puntlandes.com

About The Author