Daawo shirkii jaraaid ee Fiqi ku shaaciyey sababtii uu isku casilay iyo in Qoor Qoor xiriir la leeyahay….

10 Okt 2021 (Puntlandes) Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu sheegay ujeedada uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Fiqi ayaa ugu horeyntii sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna ay diyaar u yihiin wada-hadal, isla markaana ay la soo xiriireen, oo uu albaabka ka xirtay Qoor Qoor oo asagu raba in dagaal xoogan uu ku qaado Guriceel.

Waxa uu sheegay in sababta uu madaxweynaha Galmudug u qaatay wadada dagaalka ay tahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi uga shaqeyso.

Fiqi ayaa yiri “Wuu ka diiday (Qoor Qoor) wax wada-hadal ah in uu la galo (hogaanka Ahlu-Sunna), madaxdooda ayaa wada-hadalnay wuxuuna ii dhiibay furaha, waxay rabaan in si nabad-galyo ah ku noolaadan oo maamulka Guriceel dib loogu soo celiyo maamulka, laakiin meel uma socdaan”

Wuxuuna ku sii daray in “Madaxweynaha waxa uu yiri nimankaas wax aan dagaal aheyn oo anfacaya ma jirto wey nagu soo noolaanayaan oo nagu dhex korayaan oo kobcayaan, taasi waxay noqotay Galmudugtii badhaadheheeda aan ka shaqeynayay la yiraahdo madaxweynaheedii ayaa dadka barakicinaya.”

 


Puntlandes.com

About The Author