Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Deyniile oo Qarax Miino lagu dilay

12 Okt 2021 (Puntlandes) Taliyihii ciidamada Hay’adad Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA u qaabilsanaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Cabdishakuur Raage (Abdi Yare ) ayaa lagu diley qarax miino oo lala eegtay gaari uu watay.

Qaraxan ayaa ka dhacay sida la sheegay deegaanka Ceel Shaale ee duleedka degmada Dayniile iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen qaraxan qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa sarkaalkan.

Qaraxyada lala eegto gaadiidka ay ku safarayaan madaxda ayaa ku soo kordhaya degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Deyniile oo hore loogu diley madax ka tirsan maamulka degmada Deyniile.

About The Author