Maxkamada Aduunka ICJ oo ku dhawaaqday xukun ay ka gaartay dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya

12 Okt 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday go’aan ay ka gaartay maxkamada kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamada ayaa diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Hase yeeshee,Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal. Sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya.

Hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda. Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku guul-darreystay isku day ay ku dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo kiiska.

Halkan ka akhrio qodobada ugu muhiimsan ee go’aanka ICJ?

1- Maxkamaddu waxay diiday in wax heshiis hore oo Kenya iyo Soomaaliya ka gaareen soohdinta badda, sida ay Kenya ku doodday.

2- Maxkamadda waxay diidday in Heshiiska Is-agardka ee 2009 in uu ahaa heshiis ku saabsan calaamadeynta soohdinta badda labada dal.

3- Kulankii Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Kenya ee 1979 iyo 1981 ayaan wax heshiis kama gaarin soohdin badda ee labada dal.

4- Doodda Kenya ay keentay oo ahayd in dhibaato amni darro ay dhacayso haddii aan xagasha loo weecin dhanka Soomaaliya ayey Maxkamaddu diiday.

4- Maxkamaddu waxay sidoo kale diiday aragtida Kenya ee ahayd in nolosha dad badan oo Kenyan ah oo quud ahaan badda ku nool ay halis galeyso haddii aan dhankeeda loo xukumin.

5- Maxkamaddu waxay diidday sheegashada Kenya ee ah in Ingiriiska iyo Talyaaniga gumeysga ku joogay Soomaaliya 1924 ay Kenya u aqoonsanayeen dhulka hadda loo yaqaano JUBBALANAD. Soomaaliya ayaa u taqaana xukunkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee berigaas mid gumeysi ahaa.

6- Hase yeeshee waxay Maxkamaddu aqbashay hal arrin oo ay Kenya ku doodday oo ahayd iyadoo la xeerinayo duruufaha gaarka ah ee qolfoof badeedka (Continental Shelf) wax yar la weeciyo xagasha.

Xukunka Maxkamadda wuxuu 96% guusha siiyay Soomaaliya, iyadoo wax xoogaa yar la dadbi doono xariiqda soohdinta (adjusted line). Hase yeeshee waxaa Iyana jirta dhowr arrimood oo kale:

1- Kenya waxay ka bexeysaa dhammaan dhul badeedkii ay horey ugu jirtay oo hadda Soomaaliya loo xukumay.

2- Kenya waxay Soomaaliya ku soo wareejineysaa dhammaan xogta (data) iyo macluumaadka sahaminta shidaalka iyo gaaska ee ay ka sameysay dhul badeedka Soomaaliya loo xukumay.

3- Soomaaliya way iska cafineysaa dhammaan xadgudubyadii ay horey u sameysay Kenya, oo wax magdhow ah uma raadsan doonto muddaddii ay Kenya sida sharci darrada ugu jirtay dhul badeedka hadda loo xukumay Soomaaliya.

4- Waxaase Soomaaliya u furan inay magdhow u doonato shirkadihii baaritaanka ka waday dhul badeedkan. Shirkadahaasi waxaa ka mid ah shirkadda ENI oo diidday inay ka baxdo dhul badeedka xitaa iyadoo og inay dacwad ka dhex socotay labada dal.

About The Author