Cumar Cabdirashiid ”Sheekh Shariif wax buu ka ogaa heshiiskii Badda ee MOU”

13 Okt 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay heshiiskii isfahamka MOU ee ay dowladii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa la gashay dowladda Kenya sanadkii 2009kii.


Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay Cumar in Shariif Sheikh uu wax ka ogaa go’aankii lagu gaaray Is afgaradkii lala galay dawladda Kenya sanadkii 2009-kii, kaasoo wax ka bedelay kiiska dacwada Badda.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraalkiisa ku sheegay in inkiraadda nuucaan oo kale ah ay wadada u furayso in Farmaajana uu inkiro in uu wax ka ogaa Kiiska dhiibista Qalbidhagax.

Maxkamada ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukunka dacwada badda ee u dhexeysay dowlada Soomaaliya iyo Kenya iyadoo inta badan dhul badeedkii la isku haystay loo xukmiyay dowlada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka Cumar:

Puntlandes.com

About The Author