Dhagayso: Mid ka mida Qareenada Soomaaliya oo sharxay cabirka dhul-badeedka ay heshay

14 Okt 2021 (Puntlandes) Mid ka mid ah qareenadii u dooday Soomaaliya xilligii uu socday muranka badda ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo ay waraysatay idaacadda VOA ayaa ka hadlay xukunka ay maxkamadda ICJ ee garsoorka caalamiga ah ay gaartay.

Qareenkan oo lagu magacaabo Paul Reichler ayaa waxa uu waraysigan kaga hadlayaa sida ay dhul badeedka lagu muransanaa u kala heleen Soomaaliya iyo Kenya.

  • Poul Reichler wuxuu sheegay in dacwadda ay ku adkaatay Soomaaliya.
  • Soomaaliya waxay 100% heshay biyaha gudaha waxaa loo yaqaan oo ah 12 nautical mile marka laga soo bilaabo xariiqda Toosan ee xuduuda ka baxaysa.
  • Soomaaliya waxay heshay 75% Aaga Dhaqaalaha gaarka ( EEZ ) halka Kenya heshay 25% intii lagu muransanaa.
  • Soomaaliya waxay heshay sadax meelood labo meel 3/2 ama 67% aaga Qolfoof qaaradeedka ( continental Shelf )

Qareenku wuxuu sheegay in inta loo xukumay Kenya maxkamadu u cuskatay caddaalad u sameynta labada dal ee dacwoonayay iyo in laga fogaado in Kenya siyaasadayso go’aanka.
Cel celis ahaan Kenya waxay heshay 25% baddii ay nagu qabsatay, halka Soomaaliyana ay heshay 75%.

Dhagayso Qareenkan

Puntlandes.com

About The Author