Sawirro: Shir u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka oo soo gabagaboobay

28 Nov 2021 (Puntlandes) Waxaa ku soo gabagaboobey xarunta Wasaarada Shir u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka, kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dul istaagi lahaa waxqabadyadii mashaariicda hormarinta hanaanka Maaliyadda, dib u habeynta Maamulka Maaliyada iyo Cashuuraha Bankiga Adduunku uu ka taageero Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulankan, oo socday muddo saddax bari ah ayaa la isla eegay guulihii laga gaaray qorsha hawleedka iyo dardar galinta mashuurca PFM/DRM , guulihii/natiijadda la gaaray, sanadkii ugu danbeeyey, tubtii loo maray iyo tallaabooyinkii la qaadayba.

Hawl wadeenadda, ayaa soo ban-dhigay warbixino la xiriira waxqabadyadii la gaaray iyadoo la dul istaagay shaqooyinka la qabtay iyo hababka loo qabtay, waxaana laga sameeyay dood furan oo la isla fahmay.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi, ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta ka socda Bankiga Adduunka isagoo ku booriyay in ay sii kordhiyaan wada shaqeynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin Puntland,.

Wasiirka, ayaa Madaxda Bank Adduunka ee Mashaaricda PFM/DRM kula dardaarmay in mashaariicda si toos ah loogu soo hagaajiyo Dawladda Puntland, madaama ay fashilmeen mashaariicdi la soo marshay DF ee Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author