Madaxweyne Deni oo uga hambalyeeyey Shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee bilowga ah oo laga gaarnay dhismaha Dekadda Garacad

28 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraan uu spoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu uga hambalyeeyey Shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee bilowga ah oo laga gaarnay dhismaha Dekadda Garacad.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxweyne Deni:

Waxaan ugu hambalyeeynaya Shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee bilowga ah oo aynu ka gaarnay dhismaha Dekadda Garacad, oo maanta uu kusoo xirtay markabkii ugu horeeyay.

Mashruuca oo ah kii koowaad ee noociisa dalka ka qabsoomay burburkii ka dib, wuxuu ku dhismay isku tashi dadka reer Puntland ay ku Dhiiradeen Dowladd iyo Shacaba, markii la dhaqaajiyayna kasbaday dadka kale ee Soomaaliyeedna in ay ka qeyb qaataan.

Waa qorshe soo socday oo Dowladdii naga horeysay bilowday anana aan halkii kasii wadnay, ka dhabeynay oo u dhabar-adeygnay marxaladkasta aanna rajeynayno inuu dhameystirmo mustaqbalka, waana uga mahadcelinaya cidkasta oo ka qeyb qaadatay Dowladd iyo Shacaba , gaar ahaan ganacsatada iyo Shirkadaha dhisaya.

Guusha aynu ka gaarnay Dekadda Garacad waxay inoo sheegaysa in sidoo kale aynu Guul ka gaari doono mashaariicda kale ee aynu isku tashiga ku wadno, sida dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo oo ku dhow 30-kii KM ee ugu horeeyay, Wadada Garacad-Tuurdibi oo la sahmiyey iyo mashaariicda kale dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland.

Waxaynu maanta tusnay adduunka in dadka Soomaaliyeed ay waxqabsan karaan, laakiin loo baahanyahay ku-dhaca iyo u dhabar adeyga, runtii dhaqaale ahaan, farsamo ahaan iyo shaqaale ahaan dalkeena waan dhisan karnaa.

Guulaysta,
Puntland ha guuleysato
Soomaaliya ha guuleysato.

About The Author