Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeeray dhismaha cusub ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka

29 Nov 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xassan Shire Cabdi ayaa kormeeray dhismaha cusub ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.
Dhismahan, oo socday bilihii u dambeeyay ayaa meel wanaagsan maraya, waxana Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay madaxda shirkada wada dhismahan.

Xasan Shire, ayaa bogaadiyay shaqada socota waxana uu booqday qeybaha kore ee dhismaha.

Dhismahan, oo ka kooban sadex dabaq ayaa horay waxaa u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wahelyo Wasiirka Maaliyada.
Wasiirka, ayaa Bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay Cashuurta bixiyaan si dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Kharashaadka dhismahan ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Puntland, waana Cashuurtii laga qaaday shacabka oo dib loogu soo ceshay iyadoo lagu fulinayo mashaariic ballaaran oo ka qeyb qaadanaya horumarka ka socda Puntland.


Puntlandes.com

About The Author