Midowga Musharaxiinta oo War Kulul ka soo saaray arrimaha doorashooyinka

30 Nov 2021 (Puntlandes)Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi socodka doorashooyinka ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo Nabadgelyo la’aan.

Golaha ayaa soo saaray todoba qodob oo ay ku sheegeen inay tahay qaladaad cad oo doorashada dalka ka socota lagu dhaqaaqay.

1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.

3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.

4- In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaqu lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.

5- In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.

6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin.

7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raalli ka noqon karin, aqbaleyn iyo qeybna ka noqoneyn boobka socda.

Waxaa kaloo ay caddeeyeen in mas’uuliyadda ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan sidii loo samatabixin lahaa dalka,waxayna sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inaysan indhaha ka fiirsan boobka lagu wado doorashooyinka,fartana ku fiiqaan hufnaan la’aanta doorashada,aysana sugin cawaaqib xumid ka dhalan karta boobka socda.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta


Puntlandes.com

About The Author