Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo daaha ka rogay inuu socdo dhismaha maamul ay ku midaysan yihiin Galgaduud iyo Koonfurta Mudug (Hobyo)

0

Muqdishu (Pes): Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe dowlad xubin ka ah Federaalka ku nooqnayaan Galgaduud iyo Koonfurta.

Waxuuna sheegay in qorshahani uu yahay mid la doonayo in dalka looga hirgaliyo nidamka faderaalka. “Waxaa la samayn doono maamul KMG ah oo ay ku mideysan yihiin maamullada ka jira gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ee bartamaha Soomaaliya,”ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Soomaaliya isagoo la hadlayey Radio Mudqishu

Cabdiweli Sheekh waxaa wuxuu intaa ku daray in magaalada Muqdisho ay ka socdaan shirar ay qaadanayaan dhinacyo ka socda deegaannada la doonayo in maamulka loo sameyo ee Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

.Sida sharcigu qabo waxay dowlad xubin ka noqota federaalka ay ku dhismi kartaa oo kaliya marka ay isku yimadaan ama maamul wada dhistaan ugu yaraan labo gobol iyo wixii ka badan. Sidaas daraadeed hadalka ka soo yeeray C/Wali maaha mid sharciga waafaqsan.

Goboolka Galgaduud iyo koonfurta mudud oo Degmada Hobyo ah ma noqon karaan dowlad xubin ka noqota federaalka Soomaaliya. Maadaama aysan ahayn labo golob iyo wixii ka badan.

Su,aasha ay dad badani iswaydiinayaan waxay tahay Gaas muxuu ka yeelin?  Mise siduu baarlamaanka ka yiri maba qusayso?

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *