Shil baabuur oo ka dhacay Garowe ayaa wuxuu sababay dhimashada 3 askari halka dhaawacuna uu yahay 14 arkari..

0

Garowe (Pes): Gaari ciidan oo ay wateen ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa kula dhacay Afaafka Hore  ee xarunta UN-ku ay ku lee yihiin magalada Garowe abaare 7:00 Subaxnimo.

 

Waxaana shilkaas u dhintay 3 askari halka ay ku dhaawacmeen 14 askari. Dhaawaca ayaa qaardoon culus yahay. Waa shilkii sadexaad mudo todobaad ah

1-   Wuxuu ahaa 21-07-2014 waxaana ku nafwaayey 8 ruux halka ay dad intaa ka badanina ku dhaawacmeen

2-   Wuxuu dhacay 22-07-2014 waxaana ku geeryaaday hal qof

3-   Wuxuu dhacay maanta 26-07-2014 waxaana ku geeryoodau 3 askari halka ay ku dhaawacmeen 14 kale.

 

Hadaba su,aasha iswaydiinta lehi waa, (iyadoo qof walbaa tiisa dhaafayn), maxaa sababa shilalkan qasaaraha badan keenaya. Ma xawaare dheereeyaa oo darawaladu ku wadaan baabuurta miyaa? Ma wadadoo xunbaa?

Dhinaca kale maaxwaynaha Puntland ayaa isbitaalka Garowe ku booqday dhaawacii la dhigay halkaa.

Sawirada Gaas halkan ka eeg

359

360

361

362

 

Xafiiska waraka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *