Lafta Gareen iyo Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed oo heshiis gaaray

05 Feb 2023 (Puntlandes) Shirkii u dhexeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagraeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo gabagaboobay, iyadoo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada. 

Dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta Gareen iyadoo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. 

Doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la go’aamiyey in la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

About The Author