Sawirro: Banaabax ka dhacay Degnada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag

05 Feb 2023 (Puntlandes) Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay banaabax ballaaran oo ay dhigayaan Shacabka magaaladaas ka dib markii Ciidanka Soomaliland ay dileen qof shacab ah.

Dadkii banaabaxa dhigayey ayaa qaarkood soo qaatay Calanka Soomaliya iyagoo ku qaliyeynayey in ay aysan doonayn Ciidanka Soomaliland ee deegaanka ku sugan ka dib dilal badan oo ay u geysteen dad shacabka ah.

Ciidamada Booliska ayaa shacabka gadoodsan u adeegsaday xabado nool, waxana la maqlayay rasaas xoogan Ciidamadu ridayaan.

Dhinaca kale Xildhibaanno laga soo doorto gobolka Sanaag oo maanta Warbahainta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya degmada Ceel-afweyn ay yihiin kuwo qorshaysan oo shacabka lagu dhibayo.

Degmada Ceel-afweyn ayaa waxaa horay uga dhacay dilal ay geysteen Ciidanka Soomaliland iyo kuwa Ciidanka Maamulkaas loo geystay xukuumada Muuse Biixi ayaan ku guuldaraystay xakamaynta Ciidankeeda Shacabka laynaya.

About The Author