XOG-Daawo sawiro: Wiilka Faroole oo dhacay lacagtii loogu talagalay Ceel biyood laga Qoday Bursaalax iyo Taalo lagu Muujiyey lacagta uu dhacay

125

11 jun 2015 (Puntlandes) Hawl wadeenada Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay heleen XOG ku saabsan in la dhacay lacag dhan 55,3050 $ Dolar oo ay ku deeqday Hay,ad kuwaayti ah in lagu fuliyo Ceelbiyood laga qodi lahaa Degaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug. Fulinta Mashruucaas ayaa waxaa qaatay Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan M Faroole oo lagu magacaabo Osman Abdirahman Faroole, waxayna XOGTU u qornayd sidatan:

Waxaa Deegaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug 2013  Mashruuc Ceelbiyood ah Ugu deeqday Hay,ada kuwaayti ah iyo Jaaliyada Reer Bursalax ee Dalka dibadiisa ku dhaqan .

Mashruucaasi Ceelka loogu qodayo Deegaanka Bursaalax waxaa Qaatay qandaraaskaasi in uu fuliyo Osman Abdirahman Faroole oo xiligaasi Xilka madaxweyne ee puntland uu hayay Aabihi Cabdiraxmaan Farooole

Osman Abdirahman Faroole Waxaa Lagu wareejiyay Lacag dhan 55,3050 $ Dolar $ oo loogu tala  galay matoorkii haanti biyaha labo qol oo midna matoorku leeyahay midna waardiyaha la seexiyo iyo meeshii xooluhu ka cabayeen iyo meeshii booyadaha laga dhaamin lahaa

Osman Abdirahman Faroole Lacagtii Loogu Talagay in lagu hirgaliyo dhaman adeegyadasi ceelka uu lahaa waa laga waayay oo waa uu lunsaday

Shacabka Iyo masuuliyinta Deegaanka Reer Bursalax Qaarkod waxay u ergo Tageen Aabihii Cabdiraxmaan Faroole oo islamarkaasi hayay Xilka madaxweyne ee Puntland

Cabdiraxmaan Faroole waa uu Ku Gacan seeray ergadii loo soo Guudbiyay iyo Dhibka uu wiilkiisa u geestay Dadka reer Bursaalax

Ugu danbeen Shacabka iyo odaasha Reer Bursaalax waxay Shacabka soomaaliyeed iyo Dadweynaha Reer Puntland u sheegayaan oo u cadeenayaan in ceelkaas uu lun saday Osman Abdirahman Faroole Dowladii Xiligaasi Jirtayna ee uu madaxweynaha ka ahaana Cabdiraxmaan faroole na Waxba waa ay Ka qaban weyday.

Sawiro124f

125

125a

125b

125c

125e

Puntlandes.com

About The Author