Muuqaal: Musharax Cartan Bardacad ”Madaxweyne Siciid Deni daacad ka ahan qof iyo cod inuu ka qabto Puntland ee wuxuu u socdana waa muddo kororsi…”

04 Dec 2023 (Puntlandes.com) Musharax Madaxweynaha Puntland Cartan Bardacad ayaa isagoo hadal ka jeediyey munaasabad lagu taageerayey oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu sheegay inuusan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Siciid Cabdulaahi Deni u socon inuu doorasha ka qabto Puntland ee uu u soocdo muddo kororsi.

Musharax Cartan ayaa yiri ”Madaxweyne Siciid Deni daacad ka ahan qof iyo cod inuu ka qabto Puntland ee wuxuu u socdana waa muddo kororsi…”


Musharaxa ayaa caddeeyey in hubanti la`aanta iminka Puntland ka jirta uu masuul ka yahay madaxweyne Siciid Deni isagoo sharciyo iyo talaabooyin loo baahnaa in la qaado aan qaban wuxuuna yiri ”xaaladda hadda Puntland ka jirta waxaa masuul ka ah madaxweynaha, asagu wuxuu ku yimid dariiq 5 madaxweyne oo hore lagu soo doortay oo la yaqaan… sidaas ayey Sharci ku ahayd, sidaas ayuu hadda madaxweyne noogu yahay Siciid C/laahi, wuxuu yiri ku noqon maayo oo qof iyo cod baan aaadayaa.

Intuu hakiyey doorashadii Puntland ayuu Xamar aaday oo labo sano hakad geliyey, dadkoo dhan way rabaan qof iyo cod dhalinyaraduba ha u badnaadeene, laakiin wax walba waxay leeyihiin aasaas waxay tahay in Dastuurka afti loo qaado, doorasho madaxweyne nooguma taal dastuurka, talaabada labaad waa in tirokoob la sameeyo si loo ogaado degmo walba Kuraasta ay Baarlamaanka ku leedahay, waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo yaa reer Puntland ah, hadda ma cadda”

Musharax Madaxweyne Puntland Cartan Bardacad ayaa uga digay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay inuusan kursiga sharci daro ku joogi karin wuxuuna yiri ”Siciid Deni muddo xileedkiisu wuxuu ku egyahay 7da janaayo xoogna kuma joogi karo, ee dalkuu rabaa inuu fawdo geliyo waana ka digayaa”

About The Author