Akhriso: Guddoonka Baarlamaanada Dawlad Gobaleedyada dalka oo shir Muqdisho laagu yeeray diiday

04 Dec 2023 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa casumaad u diray 28-kii bishii November, Gudoonka Baarlamaanada Dawlad Gobaleedyada dalka.

Gudoomiye cabdi Xaashi ayaa ugu yeeray madal wadatashi, balse gudoonka Baarlamaanada Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa diiday ka qeybgalka ama aqbalida casumaadan, waxaana horay  u maqnayd Puntland.

Diidmada ayey waxay sabab uga dhigeen labo qodob oo ay kusheegeen:

1- In aanan ka qayb-galin shirka nalagu casuumay inta ay ka caddaanayso cidda leh hoggaaminta Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dejinta, Soomaaliya iyo inta wax laga qabanayo hawlihii horey loogu heshiiyay, waxna laga baddelayo sharciga Socdaalka Soomaaliya.

2. Mas’uuliyadda kala duwanaashaha iyo iska hor-imaadka Dastuurka KMG JFS iyo Dastuurada DXDFS iyo shuruucda kale ee ay soo saaran Goleyaasha Xeer-dejintu waxaa Mas’uuliyadeeda qaadaya Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

About The Author