Axmed Karaash oo taageeray in doorashada lagu qalo 49 xildhibaan

 30 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray in doorashada Puntland lagu qalo 49 xildhibaan, iyadoo la tixgelinayo goaankii Isimada.

Hoos ka kahriso qoraalka Axmed Karaash:

Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.

Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.

About The Author